LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

DEGAANADA CARADA KULUL IYO LA QABSASHADA DOORASHOOYINKA DALAGYADA KALA DUWAN

Doorashooyinka  la qabsiga dalaga kala duwan 

Dalagayada u adkaysan kara cimilada waxaan u qaybin doonaa sadex nooc oo kala ah






👉 noocyo u adkaysan kara abaaraha
👉Dalagyada u adkaysa kuleylaha
👉 Dalagyada u adkaysarta daadka 

👇noocyo u adkaysan kara abaaraha

miraha qaar waxa ay leeyhiihn  awood iska caabineed abaaraha marka ay timaado dhinaca u adkaysiga waxa ay u baahan yihin biyo yar oo ka saacidi kara inay jiritaaankooda waqtiga dheer  mirahaas oo noqon kara miro dabiici ah 

👇Dalagyada u adkaysa kuleylaha

miraha u adkaysan  kuleylaha noocyada kala duwan ee miraha wey ku kala dulqaad badan yihin marka ay timaado dhinaca kuleylka, miraha qaar waxa ay awood u leeyihin inay iska caabiyaan kuleylka tirada badan sda oo kale waxa ku bixi karaan cilimada dhax dhaxaadka ah

   👇 Dalagyada u adkaysarta daadka

miraha awood u leh ina u d dulqaadaataan biyaha tirada badan tusaale bariiska waxa uu ku baxaa biraha tirada badan midaas oo aan waxyeelo u geesan karin 

🌴kala qaybsanaanta miraha 

beerashada miraha kala duwan waa habka kaliya oo aaan ku yareyn karto u tiirsanaanta miro qura sida oo kalena uga hor tagi karto qiimo dhaca suuqa marka uu yimaado ama ugu yimaado  , tusaala ahaan hadi aad soo saarto galay qura waxaa dhici karta uu dhinaca suuqa hoos u dhac ku yimmadoo midaaas oo kuu horseedi karta inaay khaso wajahdo  balse hadi aad miro kale beerto waxaa kuu suurto galaysa 

hadi aad qayb ka mid ah dalaggaga uu hoos u dhac ku yimaado inaay qayabaha kale ka faa diido midaas oo isku dheeli tir u sameynaysa wax soosaarka dhaqaale balse sidoo kale u baahan aqoon iyo xeelado kala duwan hadi ay noqon lahayd mudo xileedka lagu  jiro iyo hadi  noqon lahayd mudo xileedka waxa la beeraayo iyo hadi ay noqon lahayd dalagyada kala duwan ee uu suuqa u baahi qabo. 

💦Biyaha iyo ciida 

marki aan ka hadlayno ciida khaasatan aad joogno degaano kulul  way ka duwan tahay marka aan ka hadlayno degaano kale , inta badan degaanada kulul ciidu waxa ay samaysaa biyo bax deg deg ah midaas oo sabab u ah falaaraha cad caada tirada badan ee ku dhacaysa ciida inay uumi bax sameyso midaas oo ka dhalan karta geedku ama birtu inay u baahato biyo badan 

sida oo kala kuleyka tirada badan saameyn qura kuma yeesho ciida sida ookale waxa uu saameyn weyn ku yeeshaa nafaqada cadarada ama ciida ku jirta , kuleylka tirada badan waxa uu burburiyaa nafaqada carada iyo qaybaha ay ka kooban tahay   midaas oo sababi karta inay mirtu bixi weydo ama wax sooosaarkeeda yareyso 

Habka koowaad waa inaaad ciida qoyaanka u ilaaliso (mulch) ereyga micno ahaan somalig garan mayo

balse hadi aan shaxaad kooban ka bixino mincaha u dhigi karto waxa ay noqon inaad ciida qoyaanka ku ilaalino anaga oo isticmaalayna cows midaaas oo aan dusha ka saarayno miraha si cad ceeda tirada badan ugu dhicin ciida balse badalkeeda ku dhacdo cows midaas oo ay ciidu ka baaq sanayso uumi baxa deg deg ah 

cowska waa qayb ka mid ah waana tusaale lakin waxaa jira kuwa kale oo badan , waxa laga yaabaa inaysan suurto gal ahayn in mesha aad joogto cows laga helin balse ay jiri karaan badalo badan oo cows badalkisa la isticmaali karo weyna jiraan waana hubbaa 

💧Biyo galin 

biyo galin waa qaybta labaad sida aan hore ugu soo xusnay degaanada kulul ciidu waxay samaysaa uumi bax tiro badan sidaa owgeed waxaan u baahanahy habraac noo suurto galinaaya inaad ciida biyaha ku ilaalino , biyo galintu waxa ay naga caawin ciida inay markasta inay qoyanaato waxa aysana toos u yareysansaa uumi baxa sida oo kale xidadauna wax ay helayaan biyo ku filan iyo nafaqomku filan 

 🍉miraha gala helo dalka 

 miraha gudaha dalka laga helo  badanaa waxa ay tuusto galiyaan inay cimilo kasta a qabsan karaa midaas oo yarayn karta khatanta dhaqaale iyo khasaare oo qofka beero layda ah soo waji karta  ,

 waxa laga yaabaa qofka beerolayda ah hadi uu miro dal kale ka soo iibsado uuna rabo inuu degaanka uu marka joogo imuu ku beero waxaa inta badan suurto gal ah inuu khasaare kala kulno sababo badan owgood mid ka mid ahna ay noqonayso cimilida oo kala duwan iyo carada oo kala duwan iyo in kale oo badan 

📆xiliga iyo mudo xileedka wareega miraha 

korniimaadka miraha wey kula kala dheereeyaan korniimaadka mudo xileeydada kala duwan sidaaa darteed waa inaad ogaato ugu yaraan midkasta inta mudo xileed uu bixi karo iyi xiliga ku bahoon beeritaan iyo xiliga ku bahoon oo aad ku aadi karo baahiyaha suuqa ka jira .

miraha qaar waxa ay  ku baxaan mudo sadex bilood ah kuwa qaar waxa ay ku baxaan mudo lix bilood ah marka waa inaad kala garankarto sida oo kale garashadoodu waxa ay kaa saacidi inaad ka dheeraato  iskbadalka mudo xileedyada midaas oo laga yaabo hadi aadan garaneyn inaad khasaare kala kulantto

waxa laga yaabaa inaad beerto  miro marka uu  dhacayo isbadal balse miraha aad beerayso aysan ku habooneyn marka uu dhaco mudo xileedkaas  sidaa owgeed waxaa tuurto gal ah inaad khasaarto wixi aad beertay dhamaantood ama qayb ka mid ah 

sidaaa owgeed waa inaad fiiro gaar ah u yeelataan dhaman intaan kor ku soo xusanay iyo kuwa kale oo aad raadin karto kuwana ay kuu noqon karaa bar bilow oo qura.

 




X



Post a Comment

0 Comments